Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha DHaqaalaha Qaranka oo looga hadlay Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060

Cilmibaarista

Madallaha

Hiigsiga Qaran ee 2060

Hiigsiga Qaran ee 2060 waxa uu noqon doonaa hagaha dhammaan dhinacyada danaynaya horumarinta Soomaaliya

Shaqada Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Siyaasad-dejin

Isku dubaridka dejinta siyaasado waxtar leh oo heer qaran

La-talin

tala-siinta dhaqaale ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Dabagal

la-socodka iyo hubinta in barnaamijyada ay dawladdu fuliso la jaanqaadayaan siyaasadda dhaqaale ee Madaxweynaha

Bismillaah,

Ku soo dhawaada mareegta rasmiga ah ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Goluhu waxa uu ka tirsan yahay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), waxa uuna u xilsaaran yahay diyaarinta iyo dejinta siyaasado ka qayb-qaadanaya dardargelinta koboca iyo horumarka Soomaaliya. Goluhu waxa uu ka kooban yahay labo laan: Laanta Siyaasadda iyo Laanta La-talinta. Laanta Siyaasadda waxa shir-guddoomiya Madaxweynaha JFS, iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booskiisa buuxiya marka aanu joogin. Laantan waxa qayb ka ah Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. Laanta La-talintuna waxa ay ka kooban tahay sagaal xubnood oo uu ku jiro Agaasimaha Guud ee Golaha iyo 8 xubnood oo Madaxweynaha u qaabbilsan La-talinta Dhaqaalaha Qaranka.

Yoolkeenna ugu weyn waa xaqiijinta in siyaasadaha iyo qorshayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo wax-ku-ool ah oo dhammaan dadka Soomaaliyeed u adeegaya. Waxa aanu soo saarnaa lafo-gur, warbixinno, cilmibaaris iyo siyaasado waxtar leh oo dardargelinaya koboca dhaqaale ee dalka.

La-taliyayasheenna Dhaqaalaha Qaranka oo ah khubarro waaya-aragnimo dheer u leh aqoonta dhaqaalaha iyo maaliyaddu waxa ay Madaxweynaha JFS u fidiyaan la-talin dhaqaale oo cilmibaaris iyo xog ku salaysan. Waxa aanu dawladda ka caawinnaa lafo-gurka arrimaha iskaashiga dhaqaalaha gobolka, kan caalamiga ah, iyo heshiisyada ganacsiga.

Waad ku mahadsan tahay soo booqashada mareegteenna. Fadlan haddii aad faallo ama weyddiin qabto, nala soo xiriir!

Xasan Aadam Hoosow

Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka

5

Madallaha

16

Warbixin Siyaasadeed

16+

Warbixinno

La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka

Golaha La-talintu waa madasha uu Madaxweynuhu u maro xal ka gaarista arrimaha dhaqaalaha dalka.

Nala Soco!

Loading
Scroll to Top